In Ka badan Sadax Boqol oo Koofur Afrikaan ah Ayaa loo xirxiray dhibka Ka Dhacay South africa | WAR HELAA TALO HELA
Friday, July 31st, 2015
Advertisement

In Ka badan Sadax Boqol oo Koofur Afrikaan ah Ayaa loo xirxiray dhibka Ka Dhacay South africa

Published on April 19, 2015 by   ·   No Comments

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in la xiray in kabadan saddex boqol oo qof oo lala xiriirinayo weeraradii mawjadaha ahaa ee ka dhanka ahaa ajaaniibta.

Malusi Gigaba, waxa uu sheegay in si buuxda cadaaladda loo marin doono kuwa masuulka ka ah dhibkaasi.

Booliis dheeraad ah ayaa la geeyay deegaanada ay dhibkaasi ka jiraan

Shalay oo sabti ahayd ayaa madaxweyne Jacob Zuba waxa uu booqday qaar ka mid ah dadka ay barakiciyeen dilalka, dabka iyo boobka, waxa uuna ballan qaaday in uu soo afjarayo weeraradaasi ka dhanka ah ajaaniibta.

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa cambaareeyay weerarkaasi ka dhanka ah ajaaniibta.150417145421_south_africa_xenophobic_violence_512x288_bbc_nocredit

Waxa uu sheegay in dad Afrikaan ah si ula kac ah nolosha loogu gubay.

Waxa uu ku baaqay in arrintaasi aysan mardambe dhicin, dadka Afrikaanka ahna la ixtiraamo.

Readers Comments (0)